Xalay waxaa isbedel lagu sameeyey taliyeyaasha ilaa 10 ka mid ah Saldhigyada Booliska Gobolkan Banaadir, kadib markii shalay Muqdisho ay ka dhaceen qaraxyo waxyeelo u geystay dad Shacab ah.
Dhamaan taliyeyaasha loo dhiibay Saldhigyada Booliska Muqdisho ayaa waxa ay yihiin dhalinyaro,waxaana dad badan ay u arkaan siyaabo kala duwan.
Hadaba taliyeyaasha Dhalinyarada ah ee loo Magacaabay saldhigyada Boolis gobolka Banaadir, Maxay soo kordhin karaan Shariif Roobow oo ah Khabiir dhinaca amniga ah ayaa ka hadlaya.



