Muqdisho-RisaalaFM- Xildhibaanada Baarlamaanka Federaalka Soomaaliya ayaa maanta ka dooday sharciga Xuquuqda Siyaasiga oo ay soo diyaariyeen Guddiga Xeer Hoosaadka, Anshaxa, Xasaanada iyo Daryeelka Xildhibaanada ee Baarlamaanka Soomaaliya.
Xildhibaanada ayaa intooda badan waxa ay ka soo horjeesteen in la ansixiyo sharciga Xuquuqda Siyaasiga oo ay sheegeen in ay qalad tahay qaabka loo soo diyaariyay.
Xildhibaanada qaar ayaa iyaguna waxa ay sheegeen in sharcigaan uu muhiim yahay isla markaana uu mudan yahay in la taageero.
Dooda Xildhibaanada ka dib ayaa Gudoomiye ku Xigeenka koowaad ee Baarlamaanka Soomaaliya Jeylaani Nuur Iikar waxa uu Guddiga Xeer Hoosaadka Baarlamaanka ku amray in ay dib ula laabtaan sharcigaan, kana soo badalaan qodobada ay ka cabanayaan Xildhibaanada.
Waxa uu sidoo kale ka jawaabay eedeymo ay u jeediyeen Xildhibaano ka tirsan Baarlamaanka Soomaaliya.


