DHAGEYSO: Maxaa ka soo baxay kulanka Baarlamaanka ee maanta ?

Muqdisho-RisaalaFM- Waxaa Maanta Xildhibaanada Baarlamaanka Federaalka Soomaaliya laga hor aqriyay Sharciga lagu dhisayo Maxkamada Dastuurka.

Sharciga ayaa ka koobnaa 35 qodob, waxa uuna Maanta maray aqrintiisa 3-aad, waxaana kulanka Baarlamaanka Maanta goob joog ahaa 151 Xildhibaan.

Xildhibaan Maxamed Amiin Xasan C/llaahi oo ka mid ah Guddiga Garsoorka, Awqaafta iyo Arrimaha Diinta ee Baarlamaanka Soomaaliya ayaa Xildhibaanada u aqriyay sharciga Maxkamada Dastuurka.

Xildhibaan Maxamed Amiin ayaa Xildhibaanada Baarlamaanka ka codsaday in ay ansixiyaan sharcigaan maadaama sida uu sheegay uu muhiim u yahay dalka.

Dhanka kale waxaa Maanta dib loo dhigay ansixinta sharciyada kala ah wax ka badalka Dastuurka iyo Heshiiska dalalka Bariga Afrika loogu dhisayo ciidamo gurmad ah.

Xildhibaano ka tirsan Baarlamaanka Soomaaliya ayaa sheegay in aysan muhiim ahayn in Baarlamaanka la horkeeno heshiiska dalalka Bariga Afrika loogu dhisayo ciidamo gurmad ah.

Xildhibaan Maxamed Cabdi Yuusuf ayaa sheegay in ay qalad tahay in heshiiskaasi Baarlamaanka la horkeeno.

Maalinta sabtida ah ayaa lagu balamay in loo codeeyo wax ka badalka Dastuurka maadaama Labadii kulan ee ugu dambeysay u baaqday tirada Xildhibaanada oo aan dhameyn intii laga rabay oo ah 3 meelood 2 ka mid ah tirada guud ee Xildhibaanada Baarlamaanka.