Dhageyso:-Maxaa ka jira in la weeraray Hoyga Guddoomiyaha Jalalaqsi?

Al-Shabaab ayaa shaaciyay inay weerareen Hoyga Guddoomiyaha degmada Jalalaqsi ee Gobolka Hiiraan iyo Saldhiga Ciidamada Jabuuti ee  degamadaas,waxaana faah faahin ka bixiyay  Guddoomiyaha degmadaas Maxamed_Nuur_Cagajoof (Dabaashe).

Wareysi uu siiyay Idaacadda Risaala ee Magaalada Muqdisho ayuu ku sheegay in weerarka ay soo qaadeen Al-Shabaab uu jiro,hayeeshee uusan aheyn mid sidaasi weyn oo ay soo qaadeen.

Sidoo kale waxa uu sheegay in weerarka ay oo soo qaadeen Al-Shabaab ay iska difaaceen,isla markaana ay wadaan howlgallo ay ku baadi goobayaan raggii weerarka soo qaaday.