Heshiiskii Tottenham iyo Paulo Dybala oo burburay

Heshiiskii la laayay inay kooxda Tottenham kula wareegto weeraryahanka kooxda Juventus Paulo Dybala ayaa burburay sida ay shaacisay BBC Sport.

Tottenham ayaa wadahadal kula jirto xiddiga reer Argentina oo 25 sanno jir ah si ay heshiis shaqsi ah u la gaaraan, waxaana ay xitaa ogolaayeen inay bixiyaan lacagta dalaalka ah ee uu doonayay wakiilkiisa Jorge Antun.

Si kastaba sida uu sheegay wariyaha BBC David Ornstein Juventus ayaa ugu danbeyn go’aansatay inaysan iibinin 25 jirka weerarka ka ciyaara Paul Dybala taasoo burburisay rajadii Tottenham.

Tottenham ayaa labo maalmood ka hor waxa ay dalab 70 milyan euro ah ka gudbisay Dybala Juventus ayaana aqbashay dalabkaas laakiin sharuuda ku xirneyd ayaa aheyd inay heshiis shaqsi ah la gaaraan ciyaaryahanka