Madaxweynaha maamulka Jubbaland Axmed Maxamed Islaam Axmed Madoobe ayaa sheegay in Mas’uuliyiinta maamulka Jubbaland laga doonaayo in ka qeyb qaataan dagaalka lagu jiro Al-Shabaab.
Madaxweynaha ayaa ugu baaqay xildhibaanada iyo Wasiirada maamulka Jubbaland in ay xirtaan dharka ciidanka si Al-Shabaab looga saaro degaanada ay joogaan.
Waxaa uu sidoo kale tilmaamay in dadka kunool gobolada Jubbooyinka ay haystaan dhibaatooyin badan madaam inta badan Al-Shabaab joogaan Gargaarna aan la gaarsiin karin.
Inta badan Gobolada Jubbooyinka waxaa gacanta ku haaya Al-Shabaab , waxaana hadda Jubbaland ay doonaysaa in ay bilowdo dagaalka ka dhan ah Al-Shabaab.



