Wararka naga soo gaaraya Magaalada Hargeysa ee Somaliland ayaa kusoo waramaya in maanta lagu waddo in Maxkamad la horkeeno Wariye Cabdi Maalik Muuse Coldoon oo muddo ka badan 45 Cisho ku xiran Magaalada Hargeysa.
Wariyeyaasha ku sugan Hargeysa ayaa sheegaya in Maxkamad ku taalla Hargeysa maanta Wariyaha lasoo taagi doono.
Wariye Coldoon ayaa lagu eedeeyay in uu ku xad gudbay Jirintaanka Somaliland.
Wariye Coldoon ayaa laga qabtay Garoonka Magaalada Hargeysa ka dib markii uu ka laabtay Muqdisho , islamarkaana uu taageero u muujiyay Madaxweynaha Soomaaliya Maxamed Cabdulaahi Farmaajo.


