Wasiirka Wasaarada Dastuurka iyo dib u heshiisiinta maamulka Galmudug Cismaan Maxamed Cali Socdaal ayaa sheegay in ay soo dhaweynayaan maamulka Ahlusunna ,islamarkaana ay diyaar u yihiin in ay la heshiiyaan.
Wasiirka ayaa sheegay in Ahlusunna lala heshiin doono Marka la doorto Madaxweynaha maamulka Galmudug.
Sidoo kale Waxaa uu tilmaamay in Galmudug ay tahay maamul goboleed la aqoonsan yahay ,islamarkaana dowladda Soomaaliya ay uga digayaan in ay soo fara geliso.
Waxa uu sheegay Dowlad Goboleedka Galmudug in uu hada ku jiro marxalad adag, taasina ay u baahan tahay dulqaad iyo samir, si looga baxo, maadaama Galmudug ay ka jiraan Abaaro, sidoo kalena ay u diyaar garoobeyso Doorasho.
Ra’iisul Wasaaraha Dowladda Federaalka Soomaaliya Xasan Cali Khayre (Xasan Bile) ayaa horey Baarlamaanka Maamulka Galmudug uga dalbaday in Doorashada dib loo dhigo mudo 45 maalmood, si loo yagleelo maamul dhaxal gal ah, inkastoo arrintaasi Baarlamaanka ay ka soo horjeesteen.



