Madaxweynaha Maamulka Galmudug C/kariin Xuseen Guuleed oo saxaafada la hadlay ayaa ka hadlay war kasoo baxay maamulka Puntland oo ku aadanaa iney u banaan tahay seddex waddo oo mid kamid ah lagu sheegay Puntland oo Soomaaliya ka go’do.
C/kariin Xuseen Guuleed, ayaa ugu horeyn sheegay in midnimada ummada Soomaaliyeed ay ahmiyad weyn u leedahay qof walbaa oo Soomaali ah xiliganna aan la joogin waqti lasii kala gooyo shacabka Soomaaliyeed.
Sidoo kale madaxweynaha maamulka Galmudug ayaa sheegay ineysan jirin cid kaligeed xiligan la joogo is maamuli karto kana maarmo karta Soomaaliya inteeda kale ,sida uu sheegay.
“Midnimada Ummada Soomaaliya qof kasta oo Soomaaliya jooga ayay muhiim u tahay, waxay ila tahay qof kaligeed istaagi karto ma jirto waxayna ila tahay dano kale laga leeyahay, mana haboona xiligan in la kala jaraa ummada Soomaaliyeed”ayuu yiri madaxweyne Guuleed.
Maalintii shalay warbaahinta ayaa baahisay warbixin ku saabsan in maamulka Puntland uu doonayo ka go’itaanka Soomaaliya.


