Al-shabaab oo sheegay iney gacanta ku dhigeen Diyaarad Drone ah

Sida lagu daabacay baraha Internet-ka Alshabaab taageera waxay gacanta ku dhigeen Al-shabaab diyaarada nooca wax basaas ee Drone-ka loo yaqaan oo ku soo dhacday gobolka Gedo.

Warka ayaa lagu sheegay in diyaarada oo ah mid yar laga qabtay deegaan qiyaastii 72 Km u jira degmada Baardheere ee gobolka Gedo, waxaana ku xirnaa ku dhawaad 6 gantaal sida Al-shabaab ay sheegeen.

Meel ku dhow buuraha loo yaqaan Shan Dacaar ayaa la sheegay in Al-shabaab ay kasoo qabteen diyaarada nooca Drone-ka ah oo gantaalo ay ku xirnaayeen.

Al-shabaab ayaanan faahfaahin dheeri ah ka bixin diyaaradaasi iyo wadanka laga lahaa balse waxay sheegeen oo kaliya iney gacanya kusoo dhigeen.

Diyaaradaha Drone-ka Mareykanka ayaa marar badan duqeymo la eegtay saraakiil sar sare oo ka tirsanaa Alshabaab oo ay kamid ahaayeen hogaamiyihii Al-shabaab iyo saraakiil kale oo ajaaniib ahaa.