Qarax ka dhacay agagaarka Isgoyska KM4 ee magaalada Muqdisho

Wararka inaga soo gaaraya Isgoyska KM4 gaar ahaan wadada dhinaca ka marta Isbitaalka Xanaano ee halkaasi ku yaallo, ayaa sheegaya inuu goor dhaweyd halkaasi ka dhacay Qarax Baabuur.

Qaraxan oo loo maleynaayo mid lagu soo xiray gaari yar oo nooca raaxada ah ayaa waxaa la socday hal ruux, waxaana isaga oo halkaasi maraya mar qura la maqlay dhawaqa gaariga oo qarxay.

Qof ka agdhaw goobta Qaraxa uu ka dhacay, ayaa Idaacadda Risaala u sheegay inuusan garan karin qofka saarnaa gaariga, balse uu arkay baabuurka oo qarxay.

Shaqsiga gaarigan wata ee la qarxiyay ayaanan ilaa hada la aqoon, waxaana dadka ay inoo xaqiijiyeen dhaawac halis ah isaga oo qaba in goobta laga qaaday.

Ciidamada Dowladda Federalka Somaliya, gaar ahaan ciidanka Nabad Suggida oo ka agdhaw isgoyska KM4 ayaa halkaasi ku baxay oo hada ku sugan.