DHAGEYSO: Madaxweyne Farmaajo”Adduunka waa uu nafiirsanaya”

Madaxweynaha Soomaaliya Maxamed Cabdullaahi Maxamed” Farmaajo” ayaa waxaa uu sheegay in umadda Soomaaliyeed laga doonaayo in ay wax ka qabtaan sidii dalka loo xoreyn lahaa.

Madaxweynaha ayaa waxaa uu sheegay in ganacsatada iyo dhalinyarada Soomaaliyeed in laga doonaayo in ay ka qeyb qaataan sidii dalka nabad loogu soo dabaali lahaa.

Farmaajo ayaa waxaa uu sheegay in Adduunka ay indhaha ay ku hayaan Kheyraadka ku jira Soomaaliya.

Waxaa uu tilmaamay in Soomaaliya ay ku taallo goobaha ugu muhiisan dunida.

Sidoo kale Madaxweyne Farmaajo ayaa caddeeyay in ciidamo Shisheeye aysan xoreyn karin dalka Soomaaliya.

Dhalinyaradda Soomaaliyeed ayuu ugu baaqay in ay ka qeyb qaataan xoreynta dalka.