Madaxweynaha Soomaaliya Maxamed Cabdullaahi Farmaajo ayaa Warbaahinta u sheegay in ay sii kordhayso Abaarta ka jirta Soomaaliya.
Maxamed Cabdullaahi Farmaajo ayaa sidoo kale Tilmaamay in maalinba maalinta ka dambeysa ay sii baahayaan Abaaraha sidaas darteed dadka Soomaaliyeed looga baahan yahay in ay isku gargaaraan.
Madaxweynaha Soomaaliya ayaa sidoo kale tilmaamay in dadkii kunoolaa Miyiga in ay soo gaareen Magaalooyinka ,islamarkaana loo baahan yahay in la caawiyo.
Ugu dambeyntii dowladaha Caalamka iyo sidoo kale dadka Soomaaliyeed ee wax haysta ayuu ugu baaqay in ay caawiyaan dadka dhibaateysan.



