Taliyaha ciidanka Xoogga dalka Soomaaliyeed Maxamed Aadan Axmed ayaa beeniyay oo waxba kama jiraan ku tilmaamay warar lagu faafiyay warbaahinta qaar oo lagu sheegay in uu iska casilay shaqada uu u hayo Qaranka.
Sidoo kale waxaa uu tilmaamay in lala xisaabtami doono kuwa faafiyay Wararkaasi been abuurka ah.
Sidoo kale taliyaha ayaa carrabka ku adkeeyay in uu sii wadi doono shaqadiisa, islamarkaana uusan warkaasi beenta ah ka horjoogsandoonin gudashada waajibaadka Qaran.



