DHAGEYSO: Koonfur Galbeed oo Fariin u dirtay dalalka Carbeed

Wasiirka Wasaarada Maleeshiyaadka iyo hubka dhigista maamulka Koonfur Galbeed oo la hadlay Warbaahinta ayaa sheegay in dalalka Carbeed laga doonaayo in ay caawiyaan dadka Soomaaliyeed ee ay Abaaruhu Saameeyeen.

Wasiirka ayaa u mahadceliyay dowladda Kuweyt oo uu sheegay  in ay Gargaar soo gaarsiisay dadka kunool degaanada maamulka Koonfur Galbeed.

Xasan Eelay ayaa sidoo kale tilmaamay in si walba oo wax loo soo gaarsiiyo Koonfur Galbeed in ay sii gaarsiin doonaan dadka dhibaateysan.

Abaaraha ka jira Soomaaliya ayaa kasii daraya maalinba maalinta ka dambeysa.