Madaxweynaha maamulka Puntland C.wali Maxamed Cali Gaas ayaa ka hadlay dagaalada ka dhacaya deeganada xeebaha ee maamulka Puntland.
C.wali Gaas ayaa sheegay in maamulkiisa xilligan in aysan ubaahneyn ciidamo AMISOM ah oo ka taageera dagaalada Al-shabaab la geyyo deegaanada uu ka arimiyo maamulka Puntland.
Dhinaca kalana C.wali Maxamed Cali Gaas oo la hadlay Idaacadda VOA-da ayaa wax laga weydiiyay wasiir ka tirsan maamulka Puntland kaasi oo dowladda Soomaaliya ku eedeeyay in ay ku lug leedahay dagaalada ka dhacaya xeebaha deegaanada maamulka Puntland, waxaana uu sheegay in hadalka ka soo baxay wasiirka amniga maamulkiisa waxba kama jiraan ku tilmaamay.
Dhowaan ayay aheyd markii wasiirka amniga maamulka Puntland Cabdi Xirsi Cali Qarjab dowladda Soomaaliya waxa uu ugu eedeeyay in ay ka dambeyso dagaalada ka dhacaya xeebaha deegaanada maamulka Puntland.


