Ra’iisulwasaarihii Soomaaliya Cabdiwali Sheekh Axmed Maxamed oo la hadlay Warbaahinta ayaa sheegay in Madaxweynaha Soomaaliya uu Waqtigii ka dhamaaday , islamarkaana looga baahan yahay in uu kursiga Baneeyo.
Cabdiwali Sheekh Maxamed ayaa sheegay in Madaxweynaha Soomaaliya ay maanta ku egtahay Afartii Sano ee loo idmay in uu xil hayo , sidaas darteed Madaxweynaha laga rabo in uu xilka ku wareejiyo Gudoomiyaha Baarlamaanka Soomaaliya Maxamed Sheekh Cusmaan Jawaari.
Ra’iisulwasaarihii hore Soomaaliya ayaa sidoo kale sheegay in aysan jirin u jeedooyin uu Madaxweynaha Soomaaliya xilka ku sii heyn karo.
Waxa uu xusay in Madaxweynaha Soomaaliya Xasan Sheekh Maxamuud iyo sidoo kale Ra’iisulwasaaraha dalka ay yihiin Musharixiin u taagan Qabashada xilka Madaxtinimada Soomaaliya.
Madaxweynaha Soomaaliya ayuu sheegay Cabdiweli Sheekh Axmed Maxamed in ay haboon tahay in uu ku awood noqdo Musharixiinta kale , islamarkaana uu Madaxtooyada iska guuro.
Madaxweynaha hada talada haya Xasan Sheekh Maxamuud ayaa waxaa la doortay 10-ka September, ee sanadkii 2012 , waxaana Maanta u dhamaatay afartii sano ee loo idmaday in uu Madaxweynaha Dalk ahaado.


