DHAGEYSO: Jubbaland oo duulaan ku ah gobolka Jubbada Dhexe

Maamulka Jubbaland ayaa sheegay in ay bilaabayaan howgal ka dhan ah ururka Al-Shabaab oo ku sugan qaar ka mid ah degmooyinka hoos yimaada maamulka Jubbaland.

Afhayeenka Laamaha amniga maamulka Jubbaland oo la hadlay warbaahinta ayaa sheegay in ciidanka maamulka Jubbaland ay bilaabayaan howgallo xoogan oo ay Al-Shabaab ka ka saaraayaan gobolka Jubbada Dhexe.

Axmed Maxamuud Maxamed Axmed Carab Afhayeenka laamaha amniga maamulka Jubbaland ayaa sheegay in ay u diyaar garoobeen sidii Al-Shabaab looga saari lahaa gobolka Jubbada Dhexe oo ay gacanta ku hayaan dhammaantiis Al-Shabaab.

Ciidanka dowladda Soomaaliya iyo sidoo kale kuwa Jubbaland ayaa dhawaan kala wareegay Al-Shabaab deegaano dhowr oo ku yaalla duleedka magaalada Kismaayo ee xarunta gobolka Jubbada Hoose.

Deegaanada ay Ciidanka dowladda Soomaaliya ay la wareegeen  waxaa ka mid ah deegaanka Cabdalla Biroole oo 60 Km dhanka galbeed kaga beegan magaalada Kismaayo ee xarunta gobolka Jubbada Hoose.

Madaxweynaha Maamulka Jubbaland ayaa dhawaan wacad kumaray in ay Al-Shabaab kasaari doonaan gobolada Jubbooyin gaar ahaan gobolka Jubadda Dhexe oo ay si buuxda gacanta ugu hayaan.