Muqdisho-RisaalaFM- Madaxweynaha dowladda Federaalka Soomaaliya Xasan Sheekh Maxamuud ayaa ka hadlay Qaraxii Miino ee dadka badan ay ku dhinteen ee ka dhacay deegaanka Lafoole.
Madaxweynaha ayaa sheegay in dowladda Soomaaliya ay aad ugu xun tahay dhibaatadii ku dhacday dadkii shacabka ahaa ee saarnaa Gaariga ee Miinadu ay ku haleeshay deegaanka lafoole.
Madaxweynaha ayaa sidoo kale sheegay in shacabka Soomaaliyeed looga baahan yahay in ay meel ugu soo wada jeestaan ka hortaga dadka dhibaateynaya shacabka Soomaaliyeed ee aan waxba galabsan sida uu sheegay Madaxweynaha.
Qaraxii Maanta ka dhacay Deegaanka Lafoole ayaa waxaa ku dhintay ku dhawaad 20 qof oo intooduba ahaa dad shacab ah, waxaana sidoo kale dhaawacmay dad kale kuwaasi oo saarnaa Gaari BL ah oo ay saarnaayeen dad shacabka kuna sii jeeday degmada Afgooye ee gobolka Shabeelaha Hoose.


