DHAGEYSO: 4 Degmo oo ku tartamay Tartanka Degmooyinka Risaala

Muqdisho-RisaalaFM- Barnaamijka Tartanka Degmooyinka Idaacadda Risaala ayaa galabta waxa uu ahaa mid ay ku tartameen ilaa iyo 4 Degmo.

Kulanka hore oo aad u uxiiso badnaa ayaa waxa uu dhexmaray degmooyinka C/casiis iyo Yaaqshiid oo ka wada tirsan gobolka Banaadir, waxaana galabta guusha ay raacday degmada C/casiis, iyadoo degmada Yaaqshiid galabta ay gabi ahaan isaga hartay Tartanka degmooyinka Idaacadda Risaala.

Maxamed Kaafi Sheekh Abuukar oo ka mid ah Guddiga Tartanka Degmoooyinka Idaacadda Risaala ayaa ku dhawaaqay natiijada tartankii udhaxeeyay Degmooyinka C/casiis iyo Yaaqshiid.

Sidoo kale kulanka hore marka uu soo idlaaday ayaa waxaa jiray kulan kale oo u dhaxeeyay degmooyinka Waaberi iyo Kaxda oo sidoo kale ka wada tirsan gobolka Banaadir.

Degmada Waaberi ayaa galabta sidoo kale iyaduna waxa ay guul ka gaartay degmada Kaxda, inkastoo Kaxda ay dadaalo fara badan ay sameysay galabta laakiin ma aysan u suurta galin in ay usoo gudubto qeybaha kale ee tartanka oo gabi ahaanba waxa ay ka hartay Tartanka.

Shirkadda Cabitaanada COACA COLA ayaa sanadkan taaba geliso tartan aqooneedka Degmooyinka Idaacadda Risaala.

Maxamed Kaafi Sheekh Abuukar ayaa mar kale ku dhawaaqay natiijada tartankii udhaxeeyay Degmooyinka Waaberi iyo Kaxda.

Degmooyinka C/casiis, Wadajir, Waaberi iyo Dharkeynley ayaa isugu soo haray Afar dhamaadka Tartanka Degmooyinka Idaacadda Risaala.

Maalinta beri ah hadii uu Alle idmo oo Bisha Barakeysan ee Ramadaan ay noqon doonto 26 ayaa waxaa atartami doona Degmooyinka Waaberi iyo Dharkeynley, iyadoo degmadii adkaata ay ugudbi doonto kama dambeysta Tartankan.