Muqdisho-RisaalaFM- Madaxweynaha Jamhuuriyada Federaalka Soomaaliya Xasan Sheekh Maxamuud ayaa waxa uu ka hadlay arrimo ay ka mid yihiin Doorashooyinka Dalka ka socda iyo Abaaraha ka jira Gobolada qaar ee Dalka.
Waxa uu sheegay Madaxweynaha Doorashooyinka Dalka in hada ay marayaan meel wanaagsan, waxa uu Guddiyada Doorashooyinka iyo xubnaha shaqada ku leh Doorashada ugu baaqay in ay soo da dejiyaan waxyaabaha yar yar ee ka harsan Doorashooyinka.
Xasan Sheekh Maxamuud Madaxweynaha Jamhuuriyada Federaalka Soomaaliya ayaa waxa uu sheegay in 15-ka bishan uu furmi doono kal fadhigii ugu horreeyey ee Barlamaanka cusub, gacantana lagu hayo howshaasi, isagoo faray maamulka Barlamaanka in ay da dejintaan qabsoomidda kulankaasi oo ay dhaarinta xildhibaannada ay ka mid tahay.
Dhinaca kale Madaxweynaha Soomaaliya Xasan Sheekh Maxamuud ayaa soo hadal qaaday Abaaraha ka jira Gobolada Dalka, gaar ahaan Degaanada Puntland iyo Somaliland oo Abaaro daran ay ka jiraan.
Waxa uu sheegay Abaaraha Dalka ka jira in ay yihiin kuwo daran, sidoo kalena loo baahan yahay Soomaali meelkasta oo ay joogto in ay u soo gar gaaraan walaalahooda dhibaateysan
Madaxweynaha ayaa sheegay Caalamka in ay baaq u direen, ayna weydiisteen kaalmo, balse waxa uu sheegay kaalmada caalamka in ay ka xoog badan tahay mida Soomaaliya ay bixiso.
Hadalka Madaxweynaha ayaa soo baxay xilli Soomaaliya ay wajahyso Laba xaaladood oo kala ah Doorashooyinka oo ah horumar wayn iyo Abaaraha oo ah xaalad Culayskeeda leh aadna u adag.


