Barcelona Oo Ka Dagtay Qatar Iyo Xiddigaha U Raacay Safarkan

Naadiga Barcelona ayaa u dushay dalka Qatar si ay  u ciyaaraan kulan saaxiibtinimo kooxda ka socota dalka Sacuudiga ee Al Ahli, waxaana kasoo muuqan doona safarkan xiddigo muhiim ah oo ay ku jiri doonaan dhalinyarada La Messia.

Hayeeygii hore ee kooxda Barcelona Xavi oo hadda u ciyaara kooxda reer Qatar ee Al Sadd ayaa la sii saadaalinayaa in uu xiddigaha Barcelona ugu tagi doono Hotel ka ay ka dagayaan magaalada DOHA.

Dhalinyarada Carles Alena iyo Borja Lopez ayaa qeyb ka ah xiddigaha lagu daray safarkan bariga dhexe ku xiranaya.

Hadaba waakan xiddigaha Barcelona ee u safray Qatar.

Ter Stegen, Cillessen, Masip, Piqué, Rakitic, Sergio, Denis Suárez, Arda, A. Iniesta, Suárez, Messi, Neymar Jr, Rafinha, Mascherano, Paco Alcácer, Jordi Alba, Digne, Sergi Roberto, André Gomes, Aleix Vidal, Umtiti, Aleñá iyo Borja López.