DHAGEYSO: Madaxweynaha oo ka digay in laga daba yimaado Shabaabka la soo qabto

Muqdisho-RisaalaFM- Madaxweynaha Jamhuuriyada federaalka Soomaaliya Xasan Sheekh Maxamuud ayaa waxa uu ka digay in laga daba yimaado xubnaha ka tirsan Shabaab ee ay ciidanka dowladda soo qabtaan.

Madaxweynaha ayaa sheegay marka ciidanka dowladda ay soo qabtaan xubnaha ka tirsan Shabaab in ay ka daba yimaadaan Wasiiro, Xildhibaano, Siyaasiyiin iyo Ganacsato iyagoo ku doodaya in aysan wax dambi ah aysan laheyn Shabaabka ciidanka dowladda ay soo qabtaan.

Waxa uu sheegay Madaxweynaha dowladda federaalka Soomaaliya in dowladda aysan heysan doonin qof dambi aan lagu heyn laakiin mararka ay dhacdo Shabaab ay soo xireen ciidanka dowladda in ay soo daayaan Mas’uuliyiin ka tirsan dowladda, kuwaas oo ku doodaya in ay garanayaan oo qofka wax dambi ah uusan laheyn.

Dhinaca kale Madaxweynaha Soomaaliya Xasan Sheekh maxamuud ayaa sheegay in Haweenka Soomaaliyeed ay heli doonaan Qoondada ay ku leeyihiin dowladda cusub ee soo socota ee Boqolkiiba Soddon, isagoo intaa ku daray hadii ay heli waayaan Boqolkiiba Soddon in ay ku dhowaan doonaan.

Hadalkan ayaa Madaxweynaha ka jeediyay xilli uu ka qeyb galayay Munaasabad uu ku saxiixayay sharciga lagu dhisayo Guddiga Madaxa Banaan ee Xuquuqul Insaanka.