DHAGEYSO: Madaxweynaha Galmudug “diyaar ayaan u nahay tanaasul aan u sameyno Ahlu Sunah”

Madaxweynaha Maamulka Galmudug C/kariin Xuseen guuleed ayaa sheegay si loo soo afjaro khilaafyada ka dhex taagan maamulka Galmudug iyo Ahlu Sunah in maamulkiisa ay diyaar u yihiin wax walbo oo tanaasulaad ah, islamarkaana ay u sameynayaan maamulka Galmudug hadii ay yihiin Ururka Ahlu Sunah waxa ay doonayaan.

Waxa uu madaxweyne  C/kariin Xuseen Guuleed ugu baaqay Ahlu Sunah in ay qaadato talaabo kasta oo xal u noqon karta si loo dhameeyo khilaafka labada dhinac ka dhex taagan.

Waxa uu sidoo kale Guuleed  sheegay in uu tagayo meel  walba oo lagu dhameynayo khilaafka ka dhex taagan maamulka Galmudug iyo Ahlu Sunah.

Maamulka Ahlu Sunah ayaa diidan jiritaanka maamulka Galmudug oo ay ka soo horjeedaan xilli caasimadii uu maamulkaas ku shaqeyn lahaa ay gacanta ku hayaan Ururka Ahlu Sunah.