DHAGEYSO: Xil ka qaadis lagu sameeyay Guddoomiyihii Afgooye

Maamulka Koonfur Galbeed, ayaa waxa ay xil ka qaadis ku sameeyeen guddoomiyihii degmada Afgooye C/qani Yuusuf iyo Ku xigeenkiisii dhanka ammaanka.

Arintaan ayaa waxa ay ka dambeysay, kadib markii maalmahan ay soo taagneyd muran ku aadan Hogaanka Maamulka, taasi oo ugu dambeyn keentay in xil ka qaadis rasmi ah lagu sameeyo guddoomiyihii Afgooye iyo ku xigeenkiisa.

C/qani Yuusuf oo ah guddoomiyihii Afgooye ayaa xaqiijiyay xil ka qaadista lagu sameeyay isaga iyo guddoomiyihii dhanka amniga, wuxuuna sheegay shaqsi magaciisa uu ku soo koobay Caalimow in loo magacaabay xilka guddoomiyaha degmada Afgooye.

Guddoomiye ku xigeenka dhanka ammaanka Degmada Afgooye, ayaa waxaa loo magacaabay Mahdi Axmed Xasan oo mar xilkaasi kasoo qabtay isla degmada Afgooye.