DHAGEYSO: Madaxda ka qeyb galeysa Caleema Saarka Madaxweynaha Galmudug

Madax kala duwan oo ka socda dowladda Soomaaliya iyo sidoo kale maamul goboleedyadda ayaa lagu waddaa in ay ka qeyb galaan Caleema Saarka Madaxweynaha Galmudug oo lagu qabanaayo Magaalada Cadaado.

Madaxda ka qeyb galeysa ayaa waxaa ka mid Madaxda maamul goboleedyadda sida Jubbland, Puntland, Hirshabeelle iyo Koonfur Galbeed.

Sidoo kale Madaxweynaha Soomaaliya Maxamed Cabdullaahi Maxamed ayaa lagu waddaa in uu maanta gaaro Magaalada Cadaado.

Wasiirka dastuurka maamulka Galmudug Cismaan Maxamed Cali ayaa xalay Risaala  u sheegay in Ammaanka Magaalada Cadaado aad loo adkeeyay ,islamarkaana uu imaan doono Madaxweyne Farmaajo.