Al-shabaab ayaa go’doomiyay wadooyinka soo gala Degmada Waajid ee Gobolka Bakool muddo hada ku dhowa Hal sano, waxaana Maamulka Koonfur Galbeed ee Soomaaliya uu sheegay in ay wadaan qorshe go’doonka looga qaadayo Degmadaasi.
Gudoomiye ku xigeenka Degmada Waajid ee Gobolka Bakool oo la hadlay Idaacadda Risaala ee Magaalada Muqdisho ayaa sheegay in ay bilaabeen Howlgallo lagu furayo wadooyinka ay go’doomiyeen ururka Al-shabaab.
Gudoomiye ku xigeenka ayaa si gaar ah u sheegay in Howlgalada ay si gaar ah uga bilaabeen Deegaanada hoos yimaada Degmada Waajid ee Gobolka Bakool.


