DHAGEYSO WAREYSI: Ahlu Sunna oo ka hadashay joojinta Qaadka

Maamulka Ahlu Sunna ee Gobolada Dhexe ayaa sheegay in ay ka soo horjeedaan go’aankii Dowladda Federaalka Soomaaliya ay ku mamnuucday Duulimaadyadii Qaadka ee imaan jiray Dalka.

Afhayeenka Ururka Ahlu Sunna ee Gobolada Dhexe Mursal Maxamed Xeefoow oo la hadlay Idaacadda Risaala ayaa sheegay in Ahlu Sunna uu go’aankaasi khuseyn islamarkaana ay ka soo horjeedaan.

Waxa uu sidoo kale sheegay in deegaanada ay maamulaan uusan ka dhaqan galeyn go’aanada ay soo saaraan Madaxda Dowladda Federaalka Soomaaliya.