DHAGEYSO: Maamulka Shabeellaha Hoose oo qaadaya howlgal ka dhan Al- Shabaab

Gudoomiyaha gobolka Shabeellaha Hoose Maxamed Ibraahim Barre ayaa Risaala u sheegay in ciidamada dowladda Soomaaliya ay qorsheeyeen in ay weerar ku qaadaan degaanada ay ku sugan yihiin Shabaab ee ku yaalla Shabeelaha Hoose.

Gudoomiyaha waxaa uu sheegay in ay qaadayaan howlgal lagu beegsanaayo Shabaabka ku sugan Magaalooyinka waa weyn ee Shabeellaha hoose si looga baaqsado in qaraxyo laga soo abaabulo.

Waxaa uu sidoo kale xusay in Ciidanka dowladda ay xoojiyeen howlgallada ay ka waddaan Shabeellaha Hoose maalmihii lasoo dhaafay.

Shabaab ayaa wali ku gacanta ku haaya degaano muhiim ah oo ku yaalla gobolka Shabeellaha Hoose,halkaasoo marar qaar ay weeraro uga soo qaadaan ciidanka dowladda.