Maamulka gobolka Mudug ee Puntland ayaa sheegay in laga doonayo dadka shacabka ah iyo ciidamada intaba in aysan falalka lidiga ku ah dhanka amniga ee ka dhaca waqooyiga Gaalkacyo dadka ka soo jeeda Koonfurta Soomaaliye eek u sugan waqooyiga magaalada Gaalkacyo.
Gudoomiyaha gobolka Mudug ee maamulka Puntland Xasan Maxamed Khaliif ayaa sheegay in amni darada kolka ay dhacdo loo ciqaabo dadka geystay, balse aysan aheyn muhiimada in la bartilmaameedsado dadka ka soo jeeda Koonfurta Soomaaliya.
Gudoomiyaha gobolka Mudug ee maamulka Puntland Xasan Maxamed Khaliif ayaa sidoo kale ciidamada waxa uu faray in ay ka hortagaan falalka lidiga ku ah amniga iyo cid kasta oo dhibaato ka abuuri rabta deegaanada Puntland.
Hadalkan ka soo baxay maamulka gobolka Mudug ee Puntland ayaa ku soo aadaya xilli todobaadkii aynu soo dhaafnay falal lidi ku ah amniga ay ka dhaceen waqooyiga magaalada Gaalkacyo.


