DHAGEYSO: Wasaaradda amniga ”waxaan Gaalkacyo ka fureynaa xarun Shabaab lagu dhaqan celiyo”

Wasaaradda amniga dowladda federaalka Soomaaliya ayaa shaaca ka qaaday in magaalada Gaalkacyo ee xarunta gobolka Mudug laga furi doono xarun lagu dhaqan celiyo xubnaha ka tirsan ururka Al-shabaab ee gacanta lagu soo dhigay iyo kuwa isa soo dhiibay intaba.

Maalik Cabdalla oo ah agaasimaha waaxda dhaqan celinta dowladda federaalka Soomaaliya ayaa waxa uu booqasho ku tagay ayaa halkaasi ka sheegay in Gaalkacyo laga furi doono xarun Al-shabaab lagu dhaqan celiyo.

Hadalka ka soo baxay wasaaradda amniga dowladda federaalka Soomaaliya ayaa imaanaya iyadoo deegaanada Galmudug iyo Puntland lagu qabtay dhalinyaro badan oo ka tirsan ururka Al-shabaab, kuwaasi oo lagu qabtay dagaalo ka dhacay deegaanadaasi.