Gudoomiyaha degmada Buuloburde ee gobolka Hiiraan Cabdicasiis Duurow oo la hadlay Idaacadda Risaala ee magaalada Muqdisho ayaa wax laga xumaado ka ku tilmaamay go’aankii Shalay Ergooyinka ka qeyb galaya Shirka Jowhar ay Caasimada maamulka Hir Shabeele ay kaga dhigeen Magaalada Jowhar.
Gudoomiyaha ayaa sheegay in caasimada labada gobol ee Hiiraan iyo sidoo kale Shabeelaha Dhexe ay tahay magaalada Buuloburde ee gobolka Hiiraan.
Waxa uu sidoo kale sheegay in dadka reer Hiiraan aysan waxba ka quseyn maamulka laga dhisaayo Jowhar , islamarkaana ay maamul gaar ah dhisanaayaan.
Shalay ayaa Ergooyinka ka qeyb galaya Shirka maamulka U sameynta Hiiraan iyo sidoo kale waxa ay u codeeyeen in caasimada labada gobol ay noqoto Magaalada Jowhar.
Madaxweyanaha Soomaaliya ayaa horay wareegto uu soo saaray ku sheegay in caasimada labada gobol ay tahay magaalada Buuloburde , halka Jowhar ay marti galinayso Shirka maamul u sameynta Hiiraan iyo Shabeelaha Dhexe.


