Dowladda Soomaaliya ayaa sheegtay in ay dishay xubno sar sare oo ka tirsan Al-Shabaab kuwaa soo ku sugnaa deegaanka Lambar 50 ee gobolka Shabeelaha Hoose.
Wasiir ku-xigeenka Wasaaradda Gaashaandhiga Xukuumadda Federaalka Soomaaliya Mudane Cabdala Xuseen Cali ayaa Wakaaladda Wararka Qaranka Soomaaliyeed SONNA u xaqiijiyay dilka xubnaha ka tirsan Al-Shabaab.
Wasiirka ku xigeenka ayaa sidoo kale Wakaalada ku hadasha Afka dowladda u sheegay in xubnaha la dilay ay doonaayeen in ay weeraro ka geystaan deegaano dhowr ah oo ku yaalla gobolka Shabeelaha Hoose.
Wasiirka ayaa sidoo kale sheegay howgalka lagu dilay xubnaha ka tirsan Al-Shabaab ay in fuliyeen ciidanka dowladda Soomaaliya.


