DHAGEYSO: Maamulka K/galbeed oo qabsashada Al-shabaab ee Marka ku eedeeyay Dowladda

Maamulka Koonfur Galbeed ayaa  ciidamada Dowlada Soomaaliya ku eedeeyay inay sabab u ahaayeen in Al-shabaab ay la wareegaan magaalada Marka ee gobolka Shabeelaha Hoose.

Maamulka Koonfur Galbeed ayaa sheegay in ciidanka xoogga dalka Soomaaliyeed ay iska baxeen marka ,iyadoo ay gaabiga ku hayaan Al-Shabaab,islamarkaana ay fududeeyeen in ay Al-Shabaab la wareegeen Marka.

Macalin Maxamuud Maxamed oo ah  wasiirka deegaanka iyo daaqa ee maamulka Koonfur Galbeed oo la hadlay idaacadda Risaala ,isagoo ku sugan magaalada Marka ayaa sheegay in ciidanka dowlada Soomaaliya ay ma’suul ka ahaayeen in Al-Shabaab ay la wareegeen magaalada Marka ee gobolka Shabeelaha Hoose.