DHAGEYSO: Abaaro ba’an oo laga soo sheegayo gobolka Mudug

Abaaro daran ayaa laga soo sheegayaa degaano iyo degmooyin ka tirsan gobolka Mudug ee bartamaha Soomaaliya.

Gudoomiye ku xigeenka dhanka arimaha Bulshada ee gobolka Mudug Maxamed Cabdi Cali ruush oo la hadlay warbaahinta ayaa sheegay in abaaro daran ay ka jiraan deegaano iyo sidoo kale degmooyinka ka tirsan gobolka Mudug.

Maxamed Cabdi Cali Ruush ayaa sheegay in deegaanada Wasil ,Ceel dibir iyo sidoo kale deegaano hoos yimaada degmada Xarar dheere ay ka jirto xaalad adag oo dhanka nolasha ah .

Waxaa uu baaq u diray Maamulka Galmudug oo uu sheegay in looga baahanyahay in ay sida ugu dhaqsiyaha badan u soo gargaaran dadka ay abaartu saameysay.