Maamulka degmada Jalalaqsi ee gobolka Hiiraan oo lahadlay warbaahinta ayaa qeylo dhaan ka muujiyey xaalada dadka kunool degmadaasi.
Gudoomiyaha jalalaqsi Maxamed Cabdulle Fiidow ayaa sheegay in webiga Shabeelle uu ku fatahay qeybo badan oo ka mid ah magaalada iyo sidoo kale deegaanada ku dhow dhow ,islamarkaana dadka kunool magaalada ay kunool yihiin xaalad aad u adag.
Xaafadaha magaalada Jalalaqsi ayuu sheegay in ay gooyeen biyaha webiga Shabeelle oo kusoo butaacay guud ahaanba xaafadaha.
Maxamed Cabdulle Fiidow ayaa sidoo kale sheegay in dalagyadii kasoo go’i jiray degmada aysan sanadkaan soo go’in ,taasna ay sababtay in dadka deegaanka ay soo wajahdo xaalad adag.