Agaasimaha guud ee Isbitaalka Madiina Maxamed Yuusuf ayaa faah faahin dheeri ah ka bixiyay Khasaaraha uu geystay dabkii xalay ka kacay gudaha Isbitaalka Madiina.
Agaasimaha ayaa sheegay in dabka uu geystay khasaare baaxad weyn isagoo sheegay in guud ahaan ay bur burtay qeybtii saalada qaliinka uu lahaa Isbitaalka.
Waxa uu sidoo kale uu tilmaamay in saameynta ugu weyn hada ay tahay in Isbitaalka uusan lahayn qeybta saalada.
Dhinaca kale agaasimaha Isbitaalka Madiina Maxamed Yuusuf ayaa sheegay in ka maamul ahaan aysan garaneyn dabka waxa sababay, haseyeehee waxa uu sheegay in ay wadaan baaritaan ay ku ogaanayaan waxa sababay in gudaha Isbitaalka uu dab ka kaco.
Xalay ayay aheyd markii sidan oo kale uu dab uga kacay Isbitaalka Banaadir qeybta lagu keydiyo dawooyinka.


