DHAGEYSO: Maamulka gobolka Banaadir oo dhaqan geliyay amaradii kasoo baxay

Maamulka gobolka Banaadir ayaa sheegay in la dhaqan geliyay amar horey kaga soo baxay maamulka gobolka Banaadir oo ahaa in labo kawaan oo Muqdisho ku yaala meel aan aheyn inaan xoolaha lagu gowrici karin.

Labada kawaan ayaa kala ah kawaan Bari iyo Kawaan Nasiib oo ku yaala magaalada Muqdisho, kuwaasi oo maamulka gobolka uu sheegay iney yihiin kuwo loogu talo galay in xoolaha lagu qalo.

Afhayeenka maamulka gobolka Banaadir C/fataax Cumar Xalane, oo saxaafada kula hadlay mid kamid ah kawaanada ayaa sheegay iney ku guuleysteen dhaqan gelinta amarkii hore kaga soo baxay maamulka gobolka Banaadir.

Afhayeenka wuxuu sheegay in maamulkooda uu ka shaqeeyay sidii loo dhaqan geli lahaa amarada kasoo baxa maamulka gobolka Banaadir.

Agaasimayaashii ka qeyb qaatay howshaasi ayuu mahad celin balaaran usoo jeediyay afhayeenka maamulka gobolka Banaadir.