DHAGEYSO: Maamulka Gedo oo sheegay in Raashiinkii gar gaarka in lagu iibinayo Kismaayo

Gedo-RisaalaFM- Maamulka gobolka Gedo ee ayaa xilligan waxa uu eedeyn ujeediyay Mas’uuliyiinta maamulka Jubbaland, waxaana eedeyntaasi ay quseysaa raashiinkii gar gaarka ahaa ee dowladda Turkiga ay ugu tala gashay shacabka Soomaaliyeed.

Gudoomiyaha gobolka Gedo oo la hadlay Idaacadda Risaala ayaa sheegay in raashiinkii gobolka Gedo hada lagu kala iibsananayo suuqa magaalada Kismaayo.