Beledweyne-RisaalaFM- Magaalada Beledweyne ee xarunta gobolaka Hiiraan gaar ahaan Garoonka kubada cagta ee C/kariin Laqanyo waxaa si toos ah uga socota xafladda caleemo saarka Ugaas Xasan Ugaas Khaliif.
Munaasabadan ayaa waxaa ka qeyb galaya Guddoomiye ku xigeenka Labaad ee Baarlamaanka Soomaaliya Mahad Cabdalla Cawad, Wasiirka Amniga Soomaaliya C/risaaq Cumar Maxamed, Xildhibaano, Siyaasiyiin Dhalinyaro iyo Qeybaha kale ee bulshada.



