Dhageyso: Maamulka Galmudug oo sheegay in ay Xoojiyeen dagaalka ka dhanka Alshabaab

Wasiirka Wasaarada Warfaafinta Dawlad  Goboleedka Galmudug Abshir Cabdi shiiqoow oo la hadlay Warbaahinta Risaala ayaa ka war bixiyay dhaqaaqyaada ciidan ee ka socda degaannada Galmudug  ee lagu doonayo in lagula  wareego  gooboha ay ku sugan yihiin Alshabaab  Galmudug.

Wasiir Abshir Cabdi shiiqoow ayaa intaasi ku daray in uu socdo Abaabul xooggan oo ka dhan ah Alshabaab , islamarkaana looga saarayo degaannada iyo degmooyinka ay uga sugan  yihiin Galmudug,  waxana uu sheegay in ay rajeeynayaan  in saacadaha soo socda ay la wareegi donnaan  gacan ku heynta degmada Xarardheere oo ka Tirsan Gobolka Mudug halkaas oo ay saacadihii la soo dhaafay  isaga bexeen Alshabaab.

Ugu dambeyntii’ Wasiirka Warfaafinta  Galmudug ayaa ugu baaqay shacabka ku nool degaannada Galmudug in ay sii wadaan  ka qayb qaadashada dagaalka looga soo horjeedo Alshabaab ee ka socdaa Galmudug.