DHAGEYSO: Koonfur galbeed oo shacabka Beydhabo kala hadashay amniga

Gudoomiyaha gobolka Bay C/rashiid C/laahi Maxamed ayaa shacabka magaalada ka dalbaday in ay kala shaqeeyaan amaanka, iyadoo ay jiraan dhibaatooyin ka yimaada dhanka amaan darada.

Gudoomiyaha gobolka Bay C/rashiid C/laahi Maxamed oo hadalkiisa sii wata ayaa dhanka kale waxa uu ka hadlay in loo baahan yahay in la dhiso wadooyinka bur bursan ee magaalada Beydhabo iyo meelaha biyo fariisidka ah isagoona taasi ku tilmaamay bilicda magaalada Beydhabo.