Deg Deg: Xasan Xanafi oo dil toogasho lagu xukumay

Maxkamadda ciidamada qalabka sida ee dowladda federalka Soomaaliya ayaa dil toogasho ah ku xukuntay Xasan Xanafi Xaaji kadib markii maanta uu ka soo hor muuqday maxkamadda.

Eedeysane Xasan Xanafi Xaaji,ayaa horay ugu eedaysnaa in uu ka dambeeyay wariyaal muqdisho lagu dilay.

Xasan Xanafi oo ka soo muuqday Barnaamij ka baxay Tv-ga dowladda ayaa qirtay inuu ka dambeeyay dilalka loo geystay Suxufiyiinta qaar oo lagu laayay Muqdisho.

Xasan Xanafi Xaaji, ayaa gacanta lagu soo dhigay Dabaqaayadii Sanadkii 2014, xilligaasi oo laga soo qabtay dalka Kenya, sida ay sheegeen Sirdoonka Dowladda Federalka Somaliya.