DHAGEYSO: Koonfur Galbeed “amaanka Beydhabo waa la isku haleyn karaa”

Magaalada Beydhabo waxa ay ka mid tahay degmooyinka uu ka taliyo maamulka Koonfur Galbeed, waxaana hada ay xarun kumeel gaar ah ay utahay maamulka Koonfur Galbeed.

Magaalada Beydhabo amaankeeda ayaa hada waxa uu yahay mid la siku haleyn karo.

Taliyaha Ciidamada Boliiska gobolka Bay Korneel Mahad C/raxmaan Aadan ayaa waxa uu ka hadlay amaanka magaalada Beydhabo, isagoona tilmaamay in dhaq dhaqaaqa magaalada uu yahay mid degan.

Dhanka kale taliyaha ayaa sheegay in deegaanada Koonfur Galbeed ay wali ka jirto cabsi dhanka shacabka ah.

Waxaana uu sheegay in dhowaan ay bilaabi doonaan howlgallo lagu xaqiijinayo amaanka, iyadoo uu tilmaamay in howlgaladaas ay si gaar ah uga sameyn doonaan tuulooyinka hoos yimaada magaalada Beydhabo.