DHAGEYSO: Koofur Galbeed oo guulo ka sheegatay dagaal ka dhacay Bakool

Maamulka Koofur Galbeed Soomaaliya ayaa sheegay in ay guud ahaan la wareegeen deegaanadii ay Al-Shabaab kula dagalaameen ee ka tirsan gobolka Bakool.

Maamulka Koofur galbeed ayaa sidoo kale sheegay in Al-Shabaab ay u geysteen khasaaro badan oo isugu jira dhimasho iyo dhaawac sida ay sheegeen.

Taliye ku xigeenka Ciidanka booliiska gaarka ah ee Maamulka Koofur galbeed Maxamed Isaaq Caracas ayaa sheegay in ay ku guuleysteen in Al-Shabaab ay ka saaraan guud ahaan degmada Waajid.

Shalay ayay ahayd markii dagaal saacado badan qaatay uu ka dhacay Degmada Waajid iyo deegaano kale oo ka tirsan gobolka Bakool.

Dhanka kale ma jiro wax war ah oo ka soo baxay Al-Shabaab ee ku aadan guulaha ay sheeganayaan Maamulka Koofur galbeed.