Maamulka Koofur Galbeed ayaa guddi u saaray xalinta dagaal beeleedyadii dhawaan ka dhacay gobolka Shabeelaha Hoose gaar ahaan degmada Marka
Wasiiro iyo xilidhibaano ka tirsan maamulka Koofur Galbeed ee Soomaaliya ayaa maalmihii la soo dhaafay ku suganaa magaalada Marka ee xarunta gobolka Shabeelaha Hoose ayaa sheegay in ay guddi u xil saareen xalinta dagaal beeleedyada ka dhaca gobolka Shabeelaha Hoose.
Xilidhibaan Axmed Macalin Cumar oo ka mid ah baarlamaanka Koofur Galbeed ayaa sheegay in ay ku guuleysteen in ay xaliyaan dagaal beeleedyadii gobolka Shabeelaha,islamarkaana ay gudiiga ay u xilsaareen sii wadida iyo dhameystirka heshiisyo ay gaareen beelihii ku dagaalamay magaalada Marka.


