Jalalaqsi-RisaalaFM- Waxaa faah faahin dheeraad ah laga helayaa Qarax khasaare geystay oo shalay gelinkii dambe ka dhacay Degmada Jalalaqsi ee Gobolka Hiiraan.
Qaraxan ayaa ka dhacay goob Maqaaxi ah oo ay isugu yimaadaan dad shacab ah, waxaana fuliyaya Qof isa soo miidaamiyay, sida ay sheegeen Mas’uuliyiinta Degmada Jalalaqsi ee Gobolka Hiiraan.
Gudoomiyaha Degmada Jalalaqsi ee Gobolka Hiiraan Maxamed Cabdulle Fiidow ayaa Risaala u sheegay Qaraxan in uu ku dhintay Ninkii is Qarxiyay oo keliya, khasaare kalena uusan geysan.
Wararka qaar ayaa waxa ay sheegayaan in Qaraxa lala eegtay Ciidamo ka tirsan kuwa AMISOM, inkastoo warkaasi uu beeniyay Gudoomiyaha Degmada Jalalaqsi.
Ciidanka Ammaanka ayaa waxa ay gaareen goobta uu Qaraxa ka dhacay, waxaana ay halkaasi ka sameeyeen Howlgallo aan cidna lagu soo qaban.


