DHAGEYSO: Door ceenkee ah ayay Haweenka ku leeyihiin siyaasada Dalka ?

Muqdisho-RisaalaFM- Sida laga warqabo Haweenku waxa ay door weyn ku leeyihiin hormarada bulsho kasta oo meel degan sida xanaanada qoyska, Nabadeeynta, Iskaashiga iyo kor u qaadida hormarka dalka.

Intii uu bur burka ku jiray dalka soomaaliya Haweenku waxa ay door muhiima ka qaateen nabadeynta dalka iyo ka shaqeynta hormarkiisa, waxaana Haweenka Soomaaliyeed ay sanadadii dambe si aad ah uga dhex muuqdeen siyaasada dalka.

Doorashada Labada Aqal ee ka socotay Soomaaliya ayaa soo gaartay meel gebagebo ah, iyadoo la soo doortay inta badan xildhibaanada Aqlaka Sare iyo kuwa Aqalka Hoose.

Si kastaba, waxaa muuqata inaan la soo dhameystirin ama aan la soo buuxin Qoondadii Haweenka ee ahayd 30%, kana mid aheyd shuruudaha Doorashada.

Waa kan Gudoomiyaha gudiga Doorashooyinka Dalka Cumar C/dulle Maxamed (Cumar Dhagey) oo sharaxaad ka bixinaya saamiga Haweenka ay ka heleen Baarlamaanka cusub ee Labada Aqal.

Doorashooyinkii ka dhacay xaruumaha Maamul Goboleedyada dalka ayaa dumarka si xowli ah ay ku soo galeen Baarlamaanka Soomaaliya.

Iyadoo meelaha qaarna tiradii la la rabay aysan gaarsiisnayn taas ayaana muujineysa inuu u dhaxeeyo  farqi xarumaha Maamul Goboleeyada.

Beesha Caalamka ayaa sidoo kale ku doodaysa in kuraas ay la haayeen Haweenka Soomaaliyeed in lagu fadhiisiyay Rag taasina ay tahay caqabad cusub oo soo wajahday Haweenka Soomaaliyeed.

Inkastoo Boqolkiiba Soddon loo asteeyay Haweenka Baarlamaanka cusub ayaa hadana Haweenka qaar waxa ay qabaan in aan la soo dhameysitin inta loo asteeyayay.

Sida ilaa hada ku cad liisaska xildhibaanada lagu soo doortay Maamul Goboleeyda dalka ayaa waxaa muuqda inaan la soo dhameysitin Qoondonada Haweenka loogu talagalay

Hogaamiyeyaasha Madasha Qaran ayaa la yimid qorshe ah in Haweenka Soomaaliyeed la siiyo Boqokiiba Soddn Baarlamaaka dalka.

Ururada Haweenka ayaa dadaal dheeri ah u galay in Haweenka Soomaaliyeed ay heelaan tiradii loo qoondeeyay hadana waxa ay la kulmaan caqabado.

Ururada Haweenka ayaa sheegaya in caqabadaha ugu waa weyn ay kala kulmeen ay tahay cuqaasha ama Odayaasha Dhaqanka oo aan rabin in kursiga beeshooda ay ku fadhiisato Haween.

Haweenka qaarkood ayaa aaminsan in Haweenka ay muujiyeen dadaal laakiin ay maja xaabiyeen Odayaasha Dhaqanka.

W/D:- Fa’iza Abdi Warsame