DHAGEYSO: Biyo dhaamin laga sameeyay Mudug

Mudug-RisaalaFM- Gudoomiyihii hore ee Gobolka Mudug Maxamed Yuusuf Jaamac (Tigey) ayaa 10 Booyadood oo biyop dhaamin ah ka sameeyay Degaanada Booraan-cad, Kuweyd iyo Dudun oo ka tirsan Gobolka Mudug ee Puntland.

Deeqdan oo qeyb ka aheyd gurmadka Abaaraha loo sameynayo dadka la ildaran Abaaraha ka jira ayaa waxaa la gaarsiiyay dad ay Abaartu saameysay.

Maxamed Yuusuf Jaamac (Tigey) Gudoomiyihii hore ee Gobolka Mudug ayaa shacabka Soomaaliyeed ugu baaqay in ay u soo gurmadaan dadka walaalahooda ah ee ku dhibaateysan Gobolada Dalka.

Qaar ka tirsan dadka loo sameeyay biyo dhaaminta ayaa waxa ay u mahad celiyeen dadka gar gaarkan u sameeyay, waxaana ay Dowladda Federaalka ugu baaqeen in loo soo gurmado.