Sh/Hoose-RisaalaFM- Ciidanka Xoogga dalka oo garab ka helaya Ciidamo cadaan ah ayaa xalay weerar waxa ay ku qaadeen saldhigyo ay Shabaab ku lahaayeen Degaano ka tirsan Shabeelaha Hoose.
Guddoomiyaha Degmada Awdheegle ee Gobolka Shabeelaha Hoose Maxamed Aweys Abuukar ayaa Idaacadda Risaala u sheegay Dagaalkan in uu ahaa mid qorsheysan oo lgu beegsaday saldhigyada Shabaabka.
Waxa uu sheegay Guddoomiyaha Dagaalka in uu bilwoday xalay saqdii dhexe, uuna socday ilaa saakay arroortii, wuxuuna sheegay Dagaalka in ay garab ka siiyeen Ciidamo cadaan ah oo watay Diyaarado.
Sidoo kale Guddoomiye Maxamed Aweys Abuukar ayaa sheegay Dagaalkan in ay ku dileen in ka badan 10 Dagaalyahan oo Shabaab ka tirsan, sidoo kalena ay bur buriyeen saldhigyo Shabaabka ay leeyihiin.
Mar aan weydiinay Guddoomiyaha hadii dhanooda uu khasaare jiro wuxuu inoogu jawaabay in hal Qof xitaa uusan ka dhaawacmin.


